Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay inta la ogyahay, qaar kalena wey ku dhaawacmeen qarax xoogan oo maanta duhuradii ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho.
Qaraxa ayaa loo adeegsaday miino lagu aasay wadada gaar ahaan inta u dhexeysa deegaanada Xaawo Cabdi iyo Lafoole, waxayna la kacday gaari nooca hoomeyda oo wadada marayey.
Dhammaan afarta qof ee ku dhintay qaraxan ayaa la socday gaariga miinadu la kacday shacab badan ay la socdeen, sida dad goob joogayaal ah ay sheegeen.
Ciidamada amaanka dowladda Somalia ayaa la sheegay iney gaareen goobta qaraxu ka dhacay, iyagoo halkaas xiray muddo kooban baaritaanana ka sameeyey inkastoo illaa hadda aysan wax war ah ka soo saarin.

