Afhayeenka Al-shabaab Cali Dheere ee La sheegay in La Dilay oo Fariin Soo Direy

0

Al-shabaab ayaa baahiyay fariin cod ah uu soo duubay afhayeenka Xarakadda Al-shabaab Shiikh Cali Maxamuud Raagge (Cali Dheere).

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in uu geeriyooday afhayeenkii Al-shabaab Cali Dheere,kadib dagaal ka dhacay deegaanka Yasooman ee Gobolka Hiiraan.

Alshabaab ayaa sheegay inuu Cali Dheere farriintaan kasoo diray deegaanka  Yasooman, halkaas oo ay sheegeen inay shalay subax dagaal ku qabsadeen, islamarkaana ay ku dileen  in ka badan 117 askari oo ciidanka dowladda iyo macaawisleyda katirsan, kuna furteen hub iyo gaadiid dagaal.

Al-shabaab ma aysan soo bandhigin wax caddeymo ah sida sawir iyo muuqaal muujinaya qabsashadooda Yasooman iyo inuu halkaas tagay Cali Dheere, oo warar maalmahan dambe soo baxayay ay sheegayeen inuu u ku geeriyooday dagaalkii Ceel Qooxle.

Hadalka Cali Dheere ayaa kusoo beegmaya xili dowladda ay sheegtay in 29-kii September ay sarkaalkaasi ku dishay dagaal ka dahcay deegaanka Ceelqooxle, iyadoo dhaawac daran oo dagaalkaas ka soo gaaray uu ugu geeriyooday degmada Aadan Yabaal ee Sh.Dhexe.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here