Dowladda Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday in ay dambi tahay faafinta wararka Al-Shabaab.
Wasiir Ku-xigeenka wasaaradda Wasaaradda warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya, C/raxmaan al-Cadaala oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho.
Sidoo kale wasiir Al-caddaala ayaa sheegay in ay dowladdu xirtay in ka badan 40 barood oo ay Al-Shabaab wararkooda ku faafin jireen, wixii maanta ka dambeyana ciddii ama xaruntii lagu helo faafinta wararka kooxdan ay dowladdu tillaabo ka qaadi doonto.
“Waxaa la mamnuucay Baahinta Wararka Argagixisada, talaabooyin ayay qaadday dowladda waxaana la xiray ilaa 40 barood oo Shabaab Ku baahineysay Wararkeeda, waxana la beegsan doonaa Warbaahin kasta ama shaqsi kasta oo lagu helo faafinta farriinta Al-Shabaab” Wasiir ku xigeenka Warfaafinta XFS Cabdiraxmaan Al-Cadaala.

