Odawaa:-“Waan Ka Dhabeyn Doonnaa Hadafkii Taliye Farxaan Dagaalka Al-shabaab’,!

0

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Generaal Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in ay xaqiijin doonaan in dalka laga ciribtiro Al-shabaab lagana hortago dhagaraha qarsoon ay ummadda Soomaaliyeed umaleegayaan.

Sidoo kale, Generaal Odawaa, ayaa tilmaamay in ay ka dhabeyn doonaan hadafkii uu u god galay taliyihii booliska gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Aadan Qaroole ee ahaa in Shabaab laga ciribtiro guud ahaan dalkeenna.

“Waan ka dhabeyn doonnaa hadafkii taliye Farxaan Qaroole ee ahaa in dalkeena Shabaab laga cirib tiro” ayuu yiri taliyaha ciidanka Xoogga Gen. Odowaa Yuusuf Raage.

Taliyaha oo ka qeybgalay soo xirista gogosha tacsida taliyihii hore qeybta Booliska Gobolka Banaadir Generaal Farxaan ayaa carabka ku adkeeyay in wadada uu ku baxay marxuumka ay noqoto mid guuleysata oo Shabaab laga tir-tiro guud ahaan dalka.

Ciidamada xoogga dalka iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya ayuu ku ammaanay go’aanka iyo geesinimada ay ku wajaheen Shabaab ka dib dagaaladii guusha laga soo gaaray ee ka dhacay gobolada Hiiraan, Galgaduud iyo qeybo ka mid ah gobolka Baay,

Al-shabaab ayaa laga saaray deegaano badan.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here