Al-shabaab ayaa guulo ka sheegtay dagaal ay lagaleyn ciidamadda Liyuu Boolis ee dowladd Goboleedka Soomaalida ee Dalka Ethopia.
Qoraal lagu baahiyay warbaahinta Shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalka uu ka dhacay tuulada Quracle ee ka tirsan deegaanka Washaaqo ee dhaca xab-beenaadka ay wadaagaan gobolka Bakool iyo gobolka Afdheer ee Soomaali-Galbeed.
Dagaalka oo billawday subaxnimadii shalay oo Talaada ahayd ayaa soo gaaray maqribkii xalay.
Ciidamada Liyuu boolis ayaa askar farabadan looga dilay dagaalka,sida lagu sheegay warbaahinta Shabaab warar lagu daabacay.
Warbaahinta Shabaab ayaa lagu sheegay in ciidamada Liyuu Boolis ay ku jabeyn dagaalka,islmarkaana ay awoodi waayeen in ay qaataan meydadkooda.
Sida lagu baahiyay warbaahinta Shabaab,waxaa dagaalka lagu dilay in ka badan 50 askari kuwaas oo maydadka qaarkood ay uga carareen goobta dagaalka.
Dhaawaca ayaa isaguna ka badan 80 askari kuwaas oo loo qaaday degmada Baareey ee gobolka Afdheer.
Dadka ku dhintay dagaalka ayaa waxaa kamid ah saddex sarkaal oo Liyuu boolis ah kuwaas oo kala ahaa:
1- Janaraal Saliid oo ahaa taliyihii haystay ciidamada Liyuu boolis ee dagaalku qabsaday
2- Kornaul Dhigane oo ahaa abaanduulihii ciidamada.
3- Kornayl Cabdirisaaq oo ahaa taliye ciidan
Ciidamada Xarakada Al-Shabaab ayaa dagaalka ku qabsaday hub farabadan kuwaas ay kamid yihiin 25 qori oo AK-47 ah, 3 PKM iyo 4 qoryaha garbaha laga rido ee RPG loo yaqaano ah.
Ciidamadda Ethopia ayaa usoo gurmaday kuwa Dowladd Deegaanka,waxana iyagana la sheegay in ay weerar jid gal ay kala kulmeen Al-shabaab.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka dowladda Ethopia oo loogu hadlaayo dagaalka ka dhacay tuulada Quracle ee katirsan deegaanka Washaaqo ee dhaca xab-beenaadka ay wadaagaan gobolka Bakool iyo gobolka Afdheer ee Soomaali-Galbeed.

