Ciidamadda Dowladda oo Dib u Qabsaday Deegaanka Yasooman ee Gobolka Hiiraan

0

Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Deegaanka ayaa dib ula wareegay Deegaanka Yasooman ee Gobolka Hiiraan oo dhawaan kasoo baxeyn,islamarkaana ay la wareegeen ciidamaddda Al-Shabaab.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jayte Cismaan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda Federalka iyo dadka deegaanka ay saaka dib u qabsadeen deegaanka Yasooman, waxa uu sheegay in aysan dib uga bixi doonin Deegaankaan.

Al-shabaab oo todobaadkaan dib u qabsaday deegaanka ayaa saakay isaga baxay.

Yasooman oo hoostagta degmada Buula-barde oo dhacda bariga gobolka Hiiraan ayaa bilowgii todobaadkan waxaa isaga baxay ciidamadda isbaheysnaayay,kadib khilaaf soo kala dhexgalay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here