Kooxo hubeysnaa ayaa saakay Magaaladda Muqdisho ku dilay Nin Ganacsade ahaa.
Dilkaan ayaa ka dhacay Degmada Dharkinley ee gobolka Banaadir.
Ninka la dilay oo magaciisa lagu sheegay Daahir Jugle ayaa lagu dilay goobtiisa ganacsiga,sida goobjoogayaal ay inoo sheegeen.
Dhanka kale Ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa goobta dilku ka dhacay soo gaaray, waxa ayna ciidamada halkaasi ka sameeyeen baaritaano.
Ganacsadahan saakay la dilay ayaa la sheegay in uu kasoo jeeday magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, waxaana horey Muqdisho loogu dilay odayaal iyo dad kale oo kasoo jeeda Cadaado iyo Baxdo.

