Mid Kamid ah Shaqaalaha Xafiiska Xeer Ilaalinta Oo Muqdisho Lagu Qarxiyay

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ka dhacay magaaladda muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Jugta qaraxa oo meelo kala duwan laga maqlay ayaa aheyd Miino Lagu xiray gaari uu watay mid kamid ah shaqaalaha Dowladda Soomaaliya,oo marayay meel ku dhow Madaxtooyadda Soomaaliya.

Wiil magaciisa lagu sheegay Musharaf Mohamed Mo’allim oo kamid ah shaqaalaha dowladda gaar ahaa xafiiska xeer ilaalinta ayaa qarax lala beegsaday.

Musharaf ayaa la sheegay in uu soo gaaray dhaawac,islamarkaana haatan lagu dabiibayo mid kamid ah isbitaaladda magaaladda muqdisho.

Musharaf Mohamed Mo’allim ayaa kamid ah shaqaalaha ugu firfircoon ee xafiiska xeer ilaalinta maxkanadda ciidamadda, wuxuuna qaraxa lala eegtay uu kusoo beegmay maalin kadib markii Hay’adaha garsoorka ee dalka digniin adag u direen dadla u cadaalad raadsada Al-Shabaab.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here