Hay’adda Nabad-suggidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa digniin cusub soo saartay, kadib markii howlgal ay sameysay ay ku qabatay 10 qof oo ay sheegtay inay la macaamilayeen Al-shabaab, sida ay ku sheegtay qoraal hay’adda kasoo baxay.
“Waxaa la qab-qabtay ku dhawaad 10 qof oo si yaabo kala duwan u la macaamilayay argagixisada” ayaa lagu yiri qoraal lasoo dhigay bogga rasmiga ah ee Twitterka ee hay’adda, kaas oo intaas ku daray,hadda kadib waxaa tallaabo waafaqsan sharciga dalka laga qaadayaa cid waliba oo u tagta, adeecda, u adeegta ama u fududeysa hawlaha ay ku dhibaateynayaan amniga iyo badqabka shacabka.”


