Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa saakay Al-shabaab kala wareegay deegaanka Moqokori ee gobolka Hiiraan oo ka mid ah deegaanada Al shabaab kaga sugnaayeen gobolka Hiiraan.
Taliyaha ururka 41aad guutada 5aad qeybta 27aad ee ciidanka xoogga dalka, Cabdi Muumin Cilmi oo la hadlay Warbaahinta ayaa xaqiijiyay in Shabaab ay isaga carareen deegaanka kahor inta aysan ciidanka gaarin.
Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka xoogga ay la wareegeen deegaanka Tardo oo ku dhow deegaanka Moqokori, islamarkaana si buuxda ay gacanta ugu haayaan.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Al-shabaab ay kaga hadlayaan warka kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

