Wasiir Fiqi:-“Waxaa Jira Kooxo Gaar ah oo Ka Xun Dagaalka Lagula Jiro Al-shabaab”,!

0

Dowladda Turkiga ayaa la sheegay in ay kusoo biirtay dagaalka ka dhan ah Al-shabaab ee ka socda qaar kamid ah Goboladda dalka Soomaaliya.

Turkiga ayaa la sheegay in Dowladda Soomaaliya uu ka taageerayo duqeymaha dhanka cirka ah ee lala beegsanayo goobaha ay ku sugan yihiin dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab.

Wasiirka arrimaha gudaha xukuumada Soomaaliya, Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in markii hore ay garab ka helayeen Mareykanka, balse haatan ay garab istaag ka heleen Turkiga oo ciidamo kala duwan u tababara dowladda Soomaaliya.

Waxa uu sheegay Wasiirka in ay ka qeyb qaateen dagaalo shabaab lagu jabiyay oo ka dhacay Goboladda Hiiraan iyo Galgaduud ee Maamuladda Hir-shabeelle, iyo Galmudug.

“Markii la arkay in Dadka Soomaaliyeed wax iska celin karaan waxaa garab istaag u muujiyay Dowlado, Mareykanka ayaa ugu horreeya in uu cirka (Duqeyn) ku beegsanaya Cadawga marka uu meel isugu tago, Turkiga ayaa kusoo biiray oo Hawada ka caawinaya iyo Dowlado kale oo sirdoonka caawinaad ka geysanaya” ayuu yiri wasiir Axmed Macalin Fiqi.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray Wasiirka arrimaha gudaha xukuumada Soomaaliya, Mudane Axmed Macalin Fiqi inay jiraan kooxo gaar ah oo kasoo horjeedo hormarada laga gaaray howlgallada socda, isla-markaana xagal daacinayaa abaabulka socdo.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here