Xarakadda Al-shabaab ayaa fariin hanjabaad ah u dirtay qabaailka Soomaaliyeed ee ka qeyb qaadanaya dagaalka Al-shabaab Lagula jiro.
Afhayeenka Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa ka hadlay kacdoonka qabaailka ee ka socda gobollada dalka qaarkood iyo dagaalka uu iclaamiyey dhowaan Madaxweyne Xassan Sheekh.
Waxa uu sheegay in dagaalka uu ku dhawaaqay Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud uu yahay kuwii uu horey u jeedin jiray, halka lagu kala bixi doonana ay tahay goobta dagaalka.
“Xasan Shiikh waxaan leeyahay dhaarta aad martay ayaa inoo balan ah, laba dhaar ma jireyso, waxaana ku kala bixi doonaa goobta dagaalka,” ayuu yiri Cali Dheere.
Afhayeenka Al-Shabaab oo soo hadal qaaday kacdoonka kaga furan Al-shabaab gobolada dhexe ayuu sheegay inay jiraan qabiilo garab u noqday waxa uu ugu yeeray gaalada iyo kuwa la socda.
Kacdoonka ka dhanka ah Al-shabaab ee ka jira gobolada Hiiraan iyo Galgaduud ayuu ku sheegay inuu yahay mid fashil ku dhamaan doona oo la mid ah kii uu wajahay Sayid Maxamed Cabdulle Xasan xiligii uu halganka kula jiray ciidamadii Ingiriiska
Dowladda Somalia ayuu sheegay iney hubeysay qabaa’ilka la dagaalamaya oo uu ku sifeeyey iney yihiin kuwii isbaarooyinka dhigan jiray.
“Waxan u sheegayaa qabaa’ilkaas la hubeeyey waxaa la doonayaa in dano gaar ah la idinku gaaro, kadibna meel cidlo ah la idinkaga tago, idinkoo halaagsamay,” ayuu yiri Cali Dheere oo ugu hanjabay qabaa’ilka dagaalka wada in jifo kasta oo ka hor timaada Al-Shabaab ay seefta kooxdu qaadi doonto.

