Ciidamadda NISA oo Muqdisho Ku Qabtay Shabakad Shabaab ah iyo Mooto Bajaaj

0

Ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa burburiyay Shabakad Shabaab ah, oo Al-shabaab u qorsheeyeen inay falal amni Daro ay ka gaystaan magaalada Muqdisho, sida ay saraakiil u xaqiijiyeen Wasaakadda SONNA.

Ciidamada Ammaan ayaa gacanta ku dhigay xubno ka tirsan Shabakada Alshabaab, Hubkoodii iyo Mooto Bajaaj ay ugu talagaleen inay ku baxsadaan marka ay dhibka gaystaan.

“Ciidamada ammaan ayaa howlgalkaan sameeyay ka dib markii ay heleen xogo dhamaystiran, waxaana wali jira xubno shabaab ah oo baxsad ah kuwaasi oo ay ku daba jiraan ciidanka ammaanka”,ayaa lagu yiri qoraalka.

Howlgalkaan ayaa ka dhacay suuqa Baakaraha gaar ahaan agagaarka Shirkadda Dahabshiil.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here