C/laahi:-“Xasan Shiikh Balankii Caruurteena Lagu Soo Celin Lahaa Wuu Nooga Baxay”,!

0

Waalidiinta Caruurtii askarnimada loogu qaaday dalka Eritrea ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud in uu kaga baxay balankii ahaa waqtiga lasoo celinaayo Caruurtooda.

Mid kamid ah waalidiinta caruurtooda loo qaaday dalka Eritrea oo la hadlay idaacadda Simba ayaa sheegay in Madaxweynaha uu u sheegay In dhalinyaradda loo qaaday dalka  Eritrea lasoo celinaayo bishaan September 10-keeda, oo maanta ku beegan.

Waxa uu sheegay in maanta ay ku ek tahay waqtigii loo qabtay waalidiinta,ayna jawaab ka haynin Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud.

Abdullahi Cabdi oo kamid ah waalidiintii dhalinyaradda loo qaaday dalka askarnimadda ayaa Madaxweynaha ka dalbaday in jawaab uu siiyo waalidiinta muruga ay hayso.

Waxyaabaha uu ballan-qaaday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud intii aan la dooran waxaa ku jira arrinta dhallinyarada la sheegay in tababar ciidan loo geeyay dalka Eritrea.

Dowladdii hore uu hogaaminayay Madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo),wuxuu ku dhaliilay qaabka ay u maamushay kiiska dhallinyaradaas, oo siyaasiyiinta ay sheegeen in dagaal loo adeegsaday.

 

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here