Saraakiil ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa lagu beegsaday howlgal qorshaysan oo ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee dowladda Soomaaliya ay ka fuliyeen degaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellada Hoose.
Bartilmaameed howlgalkaas ayaa ahaa xuruntii ugu weyneed ee Al-shabaab ay lacagaha uga uruuri jirtay dadka ku nool gobolka Shabeellada Hoose, waxaana la dilay xubnihii ugu sareeyey Al-shabaab joogtay Mubaarak.