Madaxtooyada Masar ayaa shaacisay in Madaxweyne Abdel-Fattah El-Sisi uu Khamiistii khadka taleefoonka kula hadlay dhiggiisa Soomaaliya ee Xasan Sheekh Maxamuud.
Sida laga soo xigtey xukuumadda Qaahira, wadahadalka ayaa diiradda lagu saarey xaaladihii ugu dambeeyay iyo tallaabooyinkii lagu soo celin lahaa xasilloonida iyo ammaanka Soomaaliya.
Xasan Sheekh ayaa, sidda ay sheegtay Masar, wuxuu soo bandhigay sida dalkiisu u jecelyahay inuu horumariyo la tashiga iyo isku xirka Masar ee arrimaha gobolka ee kala duwan ee danaha guud.
Sidoo kale, wuxuu muujiyay sida ay u daneynayaan in sare loo qaado iskaashiga labada dhinac ee heerar kala duwan, wuxuu ammaanay xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo taageerada taariikhiga ah ee Masar ay siiso Soomaaliya.
Madaxweyne Sisi ayaa dhankiisa caddeeyay “sida ay Masar ugu hanweyn tahay xiriirka taariikhiga ah ee ay la leedahay Soomaaliya, isla markaana ay aad ugu daneyneyso danaha shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha ah si loo helo dowlad mideysan, xasilloon oo xooggan”.
Sidoo kale, wuxuu soo bandhigay in Masar ay dooneyso in ay Soomaaliya ka taageerto sidii ay uga hortagi lahayd caqabadaha kala duwan gaar ahaan khatarta xagjirnimada iyo argagixisada”.

