Jaamacada carabta waa urur ay ku midaysanyihiin 22 wadan oo ku kala yaala qaaradaha Africa iyo aasiya
Dowladaha ururkan ka tirsan waxaa ay wadaagan arimaha siyaasada iyo dhaqaalaha waxaana ka dhexeeya xiriir sal adag ku fadhiya
Waxaana ururkan dowladaha ka tirsan loo yqaanaa dowlado carbeed waxaana xubin ka ah dalalka kal ah
Kuwayt Falastiin Qatar Urdun Baxrayn Imaaraatka Carabta lubnaan Libiya Cumaan Sacuudi Carabiya Syria. Tunisiya Ciraaq Komoros Aljeeriya Suudaan Jabuuti Masar Yemen Mauritania Marooko Soomaaliya
Ururkan waxaa xarun u ah magaalada qaahira ee dalka masar waxaa loogaa hadlaa luqada carabiga xiliga ay kulamada ku jiraaan waxaa xoghaya ka ah ururkan dr: nabiil al carabi oo u dhashay wadanka masar
Maanta oo kale 14 february sanadkii 1974 waxa ay ahayd maalin ku weyn bulsha weynta Somalia waana maalintii somaliya ay kamid noqatay uruka jaamacada carabta iyadoona madaxdii ugu sareysay ee dowladii xiligaa jirtay u noqotay tilaabo hormarineyd oo ay u qaadeen dhanka siyaasada
Hadaba somaliya maxay uga dhigneyd inay ku biirto ururkaas waxaa simba u sharaxaya xidhibaan pro. Maxamed cumar dalxa oo ah gudoomiye ku xigeenka dhanka arimaha dibada baar-lamaanka somaliya
Dad badan ayaa is weydiinayey 42 sano kadib somaliya maxay ka faa’iiday ku biirideedii jaamacada carabta wa kan mar kale pr:dalxa oo sharaxaya arinkaas
Somaliya ayaa saameyn ku dhex leh jaamacada carabta waxaana inta badan shirarkeeda xooga lagu saaraa arimaha somaliya iyo wadamada marka ay xasaradi ka aloonsantahy.

