Afar arrin oo u Sahlay William Ruto inuu Ka Adkaado Qoysaska u Talin Jiray Kenya

0

Maxkamadda ugu sarreysa Kenya ayaa go’aamisay in doorashadii dhacday 9-kii Agoosto ay natiijadeedu sax tahay, uuna William Ruto yahay Madaxweynaha dooran ee dalka.

Ruto ayaa loollan adag la galay raysul wasaarihii hore Raila Odinga oo taageero buuxda ka helayay madaxweynaha xilka ka sii degaya Uhuru Kenyatta.

Uhuru iyo Raila ayaa labaduba ka soo jeeda qoysas sanado badan u talinayay Kenya, waxaana Kenyatta uu ahaa Madaxweynihii koowaad ee waddanka, halka Jaramogi Odinga uu ahaa madaxweyne ku-xigeenkii ugu horreeyay ee dalka.

Haddaba maxaa u sahlay William Ruto inuu doorasho uga adkaado raggan ay aabbeyaashood soo talin jireen? Sababaha loo tiiriyay guusha Ruto waxaa ka mid ah:

Ruto yaa ololihiisa doorasho xoogga ku saaray doodda ah in Raila iyo Uhuru ay doonayaan in talada Kenya ay ku koobnaato gacmaha qoysaska talin jiray, isla markaana aanu boos uga bannaaneyn dadka sidiisa oo kale ah.

Madaxweynaha dooran ayaa iibiyay feker ah in dadka “la harjadaya nolosha” ay yihiin kuwa leh go’aanka lagu dooranayo madaxda Kenya.

“Waxa uu muujiyay inay la tartamayeen Raila, Uhuru iyo Gideon Moi oo dhammaantood ay aabbeyaashood hoggaamin jireen Kenya, halka isagana uu yahay nin shacabka caadiga ah ka soo dhex baxay oo si weyn u garanaya baahidooda,’’ ayuu yiri Daahir Qoriyow oo si weyn ula socday arrimaha doorashada Kenya.

Waxa uu Daahir intaa raaciyay in Ruto uu ololihiisa si weyn ugu aaddiyay beeraleyda iyo xoolo dhaqatada Kenya, kuwaasoo leh codadka ugu badan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here