Ciidamadda Haram-cad ee Booliska Soomaaliyeed iyo Kuwa NISA ayaa saakay weerar qorshaysan ku qaaday saldhig Al-shabaab ay ku lahaayeen Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Howlgalkaan oo ahaa mid qorshaysan ayaa lagu qaaday saldhig iyo Maxkamadd ay Al-shabaab ku lahaayeen deegaanka Basra iyo Beerta Cali Mahdi oo ku yaala inta u dhaxeysa Balcad iyo Jowhar.
Qoraal kasoo baxay Taliska Ciidanka Boliska Gaarla Ah Ee Haramcad ayaa lagu sheegay in howlgalka uu ahaa mid qorshaysan islamarkaana lagu burburiyay maxkamddii Al-shabaab.
“Ciidanka Boliska Gaarla Ah Ee Haramcad ayaa howlgal qorshaysan ka fuliyey deegaanka ee Basra iyo Beerta Cali Mahdi oo ku yaala inta u dhaxeysa Balcad iyo Jowhar. u jeedka howlgalkaas ayaa ahaa Burburinta goobo Al-Shabaab ay kaga dhuumalaysanayeen deagaankaas.Iyo maxkamad Beenaad ay ugu yaraan dadka,Deegaanka .
“Al-Shabaab ayaa caado ka dhigatay isku dhex qarinta dadka shacabka, maadama aysan ka hortagi karin awood ciidanka Haramcad , balse ciidanka oo u tababaran baacsiga Al-shabaab ayaa cagta mariyey haraadiga Al-shabaab ku dhuumaaleysaneysay deegaankaas.
Hawlgalkaas ayaa qayb ka ahaa holwgallada guud oo xidida loogu siibayo haraadiga naflacaariga ee Al-Shabaab”, ayaa lagu yiri qoraal kazoo baxay Haramac-cad.

