Mid Kamid ahaa Shaqaalaha Dowladda oo Lagu Dilay Magaaladda Muqdisho

0

Kooxo hubeysnaa ayaa xalay Magaaladda Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ku dilay mid kamid ah shaqaalaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Dilkaan ayaa Degmadda Dharkinley ee Gobolka Banaadir.

Xaaji Xassan Wiish oo ka tirsanaa shaqaalaha Wasaarada Duulista hawada ee Xukuumada Somalia ayaa lagu waramayaa inuu geeriyooday ka dib markii ay rasaas ku fureen rag bastoolado ku hubeysan.

Marxuum Xaaji Xassan Wiish ayaa ahaa nin da’ ah uu muddo ka badan 50 sano ka tirsanaa shaqaalaha Wasaarada Duulista hawada ee Xukuumada Somaliya.

Al-shabaab ayaa inta badan sheegta Mas’uuliyadda dilalka loo geysto shaqsiyaadka u shaqeeya Dowladda Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here