Galmudug oo Kulan Iskugu Keenayso Dhinacyadda Ku Dagaalamay Laba-gale

0

Maamulka Galmudug ayaa sheegay in shir Nabadeyn ah la iskugu keeni doono dhinacyadii dhawaan ku dagaalamay degaanka laba-gale oo deegaanka Dhabad kaga beegan dhanka Koonfureed.

Gudoomiyaha Deegaanka Dhabad Aadan Cabdi Nuur oo la hadlay idaacadda Simba ee magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in Maamulka Galmudug uu wado qorshe kulan dib u heshiisiin ah la iskugu keenayo dhinacyadda dirirta ay ku dhexmartay deegaanka.

Kulankaan ayaa ka dhici doonod dhawaan Magaaladda Dhuusa-mareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug.

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha in dagaalka ka dhacay Deegaanka Laba-gale uu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dhinacyadda dagaalamay islamarkaana la isku qabtay god laga qodayay deegaanka.

Ugu dambeyntii  Gudoomiyaha deegaanka Dhabad waxa uu baaqay u direy beelaha daga Gobolka Galgaduud,uu kaga digay in dagaal uu dhexmaray.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here