Sheikh Maxamuud Aw-cabdule Cariif oo kamid ah Culimada soomaliyeed ayaa ugu digay umada Muslimiinta ah gaar ahaan kuwa soomalida in ay xusaan maalinta lagu sheegay in ay tahay maalinta Jaceelka 14-ka February oo maanta ku beegan.
Waxa uu sheegay Sheikh Maxamuud Aw-cabdule Cariif in aan maalin loo asteynin maalinta jaceelka umadana ay is jeclaan karto waqti walba isagoona maalinta jeceelka waxa lagu sheegay ku tilmaamay wax laga soo meen guuriyay wadamada reer Galbeed umada muslimiinta lagu qaldanaayo Diintooda.
“Malahan maalin u gooni ah Jaceelka waa wax ka dhaxeeya Lab iyo dhadig wuxuuna ilaahey ka yeelay mid sharaf badan jaceelka waxa lagu sheegay xuska maalinta jaceelka waa wax lagu qaldaayo umada muslimiinta ah gaar ahaan dhalinyarada haatan soo baxaysa Ayuu yiri sheikh Maxamuud.
Dhanka kale Sheikh Maxamuud Aw-cabdule Cariif wuxuu ugu baaqay dhalinyarada soomaliyeed ee hada soo baxaysa in aan lagu qaldin waxa la yiraahdo xuska maalinta jaceelka (Valentine’s Day )14-ka February oo maanta ku beegan.
Maanta oo kale wadamada reer Galbeedka waxaa laga xusaa maalinta loogu magac-daray maalinta Jaceelka 14-ka February iyadoo qaar kamid ah wadamada islaamka loogu digay dadkooda in aysan xusin maalintaan.

