Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdirashiid Maxamed Xidig oo warbaahinta la hadlay ayaa sheeegay in Wasaaradda Arrimaha gudaha ay Baarlamaanka soomaliya dhawaan horgeyn doonto sharciga xisbiyada Siyaasadeed ee dalka.
Mudane Cabdirashiid Maxamed Xidig Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha gudaha ee xukuumada soomaliya ayaa sheegay in sharcigaan qodobo kamid ah ay qeexayaan cidda Noqon karto xabsi siyaaseed sidaas darted dhawaan ay gudbin doonaan xildhibaanada Baarlamanka soomaliya. si ay sharcigaan u ansixiyeen.
Golaha wasiiradda Xukuumadda Soomaliya ayaa dhawaan ansixiyay sharciga axsaabta badan ee dalka kadib markii qaar kamid ah xabsiyada dalka soomaliya ka jira ay xukuumadda soomaliya ku dhaliileen sharciga axsaabta siyaasadeed.

