Dhowr nin oo ka tirsan Al Shabaab ayaa la fahamsan yahay inay saaran yihiin dabaqa kore ee dhismaha hotelka, iyagoona ka soo ridaya rasaas iyo bambaanooyin ay ku caabinayaan Ciidanka Gaashaan.
Goobta uu ku yaalo hotelka oo aan xalay laga seexan ayaa waaberigii saaka laga maqlayay rasaas xoogan.
Ciidamada ayaana ah kuwa keliya ee adeegsanaya qoryaha waaweyn, mararka qaarkoodna ciidamada dhulka ku sugan ee gaadiidka dagaalka wata ayaa qoryaha gaadiidka saaran ku ridaya dableydaasi.
Ciidamada Booliska iyo kuwa Nabad Sugidda ayaa tan iyo xalay lagu arkayaa wadooyinka soo gala hotelkaasi, oo ah kuwa xiran, mana jirto cid loo ogolyahay inay halkaasi tagto.



