Baarlamaanka Soomaliya oo la Horgeyn Doono Sharciga Xisbiyada Siyaasadeed ee dalka

0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdirashiid Maxamed Xidig  oo warbaahinta la hadlay ayaa  sheeegay in Wasaaradda  Arrimaha gudaha ay Baarlamaanka soomaliya dhawaan horgeyn doonto sharciga xisbiyada Siyaasadeed ee dalka.

Mudane Cabdirashiid Maxamed Xidig   Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha gudaha ee xukuumada soomaliya  ayaa sheegay in sharcigaan qodobo kamid ah ay qeexayaan cidda Noqon karto xabsi siyaaseed sidaas darted dhawaan ay gudbin doonaan xildhibaanada Baarlamanka soomaliya. si ay sharcigaan u ansixiyeen.

Golaha wasiiradda Xukuumadda Soomaliya ayaa dhawaan ansixiyay sharciga axsaabta badan ee dalka kadib markii qaar kamid ah  xabsiyada dalka soomaliya ka jira ay xukuumadda soomaliya ku dhaliileen sharciga axsaabta siyaasadeed.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here