Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya hoobiyayaal xalay ku dhacay Xaafaddo kamid ah Degmadda Xamar Jajajb ee Gobolka Banaadir.
Hoobiyeyaasha oo gaarayey illaa 5 madfac ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu garaacay agagaarka Iskuul Buluusiya ee magaalada Muqdisho.
Sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal mid kamid ah hoobiyayaasha ayaa ku dhacay Guri ay daganayeen qoys Soomaaliyeed,waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawac.
Inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay hoobiyayaasha hooyo iyo 4 carrruur ah oo ay dhashay, kadib markii uu gurigooda ku dhacay mid ka mid ah hoobiyeyaashaasi la soo tuuray, ayada oo sidoo kale dhaawac soo gaaray Aabaha.
Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa inay dhaawacyo soo gaareen in ka badan illaa 10 qof oo kale oo u badan dad isku qoys ah oo ayaguna ku waxyeeloobay weerarkaasi.

