Guddoonka golaha shacabka ee baaralamaanka Soomaaliya ayaa xildhibaanada u diray fariin loogu sheegayo inuu baaqday kulankii maanta loo balansanaa, kaas oo la doonayey in lagu dhaariyo Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo.
Qoraal kasoo baxay Xafiiska gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa lagu sheegay in kulankaas uu baaqday,islamarkaana la qabanayo maalinta bari oo axad ah.
Guddoonku ma shaacin sababta ka dambeysa in dib loo dhigo kulanka golaha, balse waxaa qoraalka lagu xusay in sababo ay jiraan, waxaana kulankaas loo bedalay maalinta Axada ah.
“Xildhibaano, arrimo jira awgeed ,Shirkii bari loo balansanaa, waxaa dib loogu dhigey maalinta Axada oo taariikhdu tahay 21 August.”
Ajendayaasha loo qorsheeyey kulanka baaqday waxaa ka mid ahaa in Farmaajo loo dhaari lahaa xubin ka tirsan golaha shacabka, kursigaan ayaa ah xubin sharafeed uu Farmaajo ku helay xilkii madaxweynaha ee dalka uu ka soo qabtay.

