Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Soomaaliya oo Maanta Shaacinaysa Natiijadda Intixaanka

0

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shaacinayso natiijada imtixaanka dugsiyada sare ee dalka.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in maanta oo ah 16-8-2022 la shaacin doono Natiijadda imtixaanka.

“Waxaa la ogaysiinayaa bahda waxbarashada, waalidiinta iyo ardayda Soomaaliyeed ee-u- fariisatay Imtixaanki sanad dugsiyeedka 2021/2022, in lagu dhawaaqi doono maanta oo taariikhdu tahay 16-ka bisha Ogos  natiijada Imtixaanka shahaadiga ah ee Fasalka 12aad sanad dugsiyeedka 2021-2022” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaaradda.

Kumanaan arday Soomaaliyeed oo kala jooga magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka qaarkood ayaa ayaa u dheg taagaya natiijada imtixaankan oo muhiim u ah sii socoshada geedi socodkooda Waxbarasho.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here