Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu taageerayey Xukuumadda oo ay soo qaban-qaabiyeen qaar kamid ah bulshada Caasimadda.
Waxgaradka iyo bulshada qeybaheeda kala duwan ee munaasabadda hadalka ka jeediyey, ayaa tilmaamay sababta ay madashan u qabteen, iyo sida ay ugu qanacsan yihiin Xukuumadda cusub, si loo sii ambaqaado daadaallada ku aaddan horumarka dalka.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa uga mahadceliyey dadweynihii soo qaban qaabiyey munaasabadda, waxuuna xusay in xukuumaddiisu ay dadaalkeeda isugu geyn doonto sidii bulshada Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan loo gaarsiin lahaa adeegga dowladda.
Dhanka kale Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa ugu horeyntii qiray in amniga halkii la rabay uusan gaarsiisaneen xiligaan la joogo, isagoo tilmaamay muhiimadda uu amniga u leeyahay bulshada.
“jidka wadnaha wixii xaggaa ka ah in yar baa laga yaabaa inay gacanta taagato. Ummad dhan ma waxa ay dowlad ku noqotay Maka Al-mukaram, hadda garoonkii baa la dhex-galay oo waxa aan ka cabsanayaa in Hoteelo aan ka dhisanno,” ayuu yiri.

