Ciidanka Xoogga Dalka Somaliyeed oo kashanaya Ciidanka degaanka ayaa Al-shabaab kala wareegay degaananda kala ah teedaan,ragso,xasan raqay,sulmo oo dhamantood hoostaga degmada Maxaas ee gobolka hiiraan.
Intii Hawlgalku socday Al-shabaab waxay isku dayeen iska caabin balse ciidanku waxay mariyeen cagta iyadoo laga dhigay wax la dilay wax la qabtay waxa la sii baacsanayo Waxaana ka mida dadka la dilay horjoogihii u qabilsanaa degaan kaas oo lagu magacabay maxamed weheliye Waasuge sida uu sheegay Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Somaliyeed Gen Mohamed Tahliil Biixi (Shariful Arwaax) Oo Hogaaminaya Hawlgalka ka soconaya Gobolka Hiraan.
Dhinaca kale Taliyaha ayaa waxa uu mahadceliyey Saraakiisha , Askarta naftood hurayaasha ah Ee Ciidamada Qalabka sida & bulshada Degaanka oo u horkacayo Maamulka Gobolka Hiraanka.

