Sarkaal Ka Tirsanaa Maamulka Puntland oo Lagu Dilay Magaaladda Gaalkacyo

0

Kooxo hubeysnaa ayaa xalay Magaaladda Gaalkacyo ee Gobolka Mudug dhanka Puntland,waxa ay ku dileen Sarkaal Ka Tirsanaa Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda Maamulka Puntland.

Dilkaan ayaa ka dhacay mid kamid ah xaafadaha Magaaladda Gaalkacyo waxaa fuliyay Dhalinyaro ku hubeysnaa bastooladdo oo la sheegay in ay qeybaha sare ee jirka ay ka toogteen sarkaalka,islamarkaana ay ka baxsadeen goobta uu dilka ka dhacay.

Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabi jirey Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi,wuxuuna kamid ahaa shaqaalaha wasaaradda maaliyadda maamulka Puntland.

Ragii ka dambeeyay dilka ayaa isaga baxsaday goobta uu dilka ka dhacay waxaana Magaaladda Gaalkacyo saakay ka socda howlgalo lagu baadigoobayo ragii ka dambeeyay dilka.

Magaalada Gaalkacyo oo sannado ammaan aheyd ayaa hadda wajahaysa xaalada ammaan darro, iyadoo bilihii ugu dambeeyay lagu dilay ilaa 3 qof.

Dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab iyo Daacish ayaa inta badan sheegta dilalka ka dhaca Magaaladda gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Magaalada Gaalkacyo oo laba jiho ay ka kala maamulaan Puntland,iyo Galmudug ayaa martigalisay qaraxyo iyo dilal loo geystay Mas’uuliyiin u badan kuwa Puntland.

Dhanka kale Maamulka Puntland ayaa xukuno ku ridey mudooyinkii dambe rag lasoo qabtay Shabaabnimo iyo in ay ka dambeeyeen dilalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Magaaladda Gaalkacyo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here