Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo ku hadlaaya magaciisa iyo kan Goleyaasha Dowladda iyo Shacabka Puntland, ayaa ka tacsiyeeyay geerida Alle ha u naxariiste Gen. Cabdicasiis Siciid Gacamey oo xilal kala duwan kasoo qabtay Puntland.
“Alle ha u naxariisto oo janadii ha geeyo Gen. Cabdicasiis Siciid Gacamey oo caawa ku geeriyooday Garoowe, wuxuu ahaa Odey Puntland oo waxbadan kasoo qeyb qaatay Dowladnimada, gaar ahaan ka shaqeynta isagoo soo noqday Taliyaha Ciidamada Booliska Dowladda Puntland, Wasiir ku-xigeenka Amniga iyo Xildhibaan Golaha Wakiillada ee Dowladda Puntland.
Waxaan geeridiisa uga tacsiyeeynaya dhammaan Shacabka Puntland, saaxiibadii ay soo wada shaqeeyeen, eheladii iyo qoyskiisii, marxuumka waxaan alle uga baryaya in uu u danbi dhaafo oo janadii geeyo, Aamiin.” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

