Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo lagu baacsanayo Alshabaab kawada deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Hiiraan.
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ,Saraakiisha ciidanka Xoogga , NISA & Booliska dowlad goboleedka Hirshabeelle sidoo kale Dadka degaanka oo is Abaabulay ayaa qeybka ah Hawlgalka dib u Xoreynta Gobolka Hiiraan.
Howlgalkan ayaa lagu baacsanayaa alshabaab oo dhiibato Xoogan ku haysay Shacabka ku dhaqan Gobolka Hiiraan oo ay kamid yihiin Gubida Guryaha ay dagan yihiin shacabka, sumeynta Ceelashii ay biyaha ka cabi jireen iyo burburinta Ateenooyinka isgaadhsiinta.
Saraakiisha Ciidamada qalabka sida & Masuuliyiinta Maamulka Hiiraan ayaa sheegay in Guulweyn laga gaaray Hawlgalka ka socda gobolka Hiiraan.

