Dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa saddex weerar oo cirka ah ku qaaday Al-Shabaab, duqeymahaas ayaa ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.
Qiimeynta hordhaca ah ee dowladda Soomaaliya iyo taliska AFRICOM ay ka soo saareen howladaas waxay cadeyneysaa in lagu dilay afar xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, ma jiraan wax khasaare ah oo dad rayid ah ka soo gaaray duqeymahaas oo ciidamada Mareykanka ayaa loo fasaxay inay ka fuliyaan deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan.
Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa qaaday tallaabooyin waaweyn, si looga hortago waxyeelo soo gaarta rayidka.
Dadaaladani waxay ka duwan yihiin weerarrada aan loo meel dayin ee Al-Shabaab oo si joogto ah u dhibaateeya rayidka ah aan waxba galabsan.
Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Mareykanka waxaa ka go’an la dagaalanka Al-Shabaab, si looga hortago dhimashada dadka rayidka ah oo aan waxba galabsan.
Al-Shabaab waxay soo bandhigaan khataraha mustaqbalka fog ee Soomaalida, danaha gobolka iyo Maraykanka.

