Muddaharaadyo Ka Socda Magaalooyinka Somaliland,Internetkii oo La Jaray

0

Muddaharaadyo xooggan ayaa saaka oo Khamiis ah ka bilowoday Caasimadda Somaliland ee Hargeysa iyo magaalooyin ay ku jiraan Burco iyo Ceerigaabo.

Muddaharaadyada oo ay ku baaqeen xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa waxa ka horyimid xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi islamarkaana sheegtay in ay khatar ku yihiin amniga guud ee Somaliland.

Xukuumadda Somaliland ayaa sidoo kale amar ku bixisay in la demiyo khadka Internet-ka si aan baraha bulshada iyo saxaafadda looga baahin muddaharaadyada socda.

Wararku waxay sheegayaan in magaalooyinka qaarkood ay jiraan dad ku dhaawacmay muddaharaadyada iyo qaar kale oo la xiray oo ay ku jiraan siyaasiyiin ka tirsan mucaaradka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here