Qaraxyo ay Ku Dhinteen 10-ruux oo shacab ah oo Ka Dhacay Magaaladda Kismaayo

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo maanta ka dhacay Magaaladda Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Jubbaland.

Qaraxyadda oo loo adeegsaday miinooyin dhulka lagu aasay ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa magaalada Kismaayo iyo deegaanka Buula Xaaji ee Duleedka Kismaayo.

Qaraxyada miino ayaa haleelay gaadiid ay la socdeen dad shacab ah oo kusoo jeeday magaalada Kismaayo, waxaa sidoo kale qaraxyada ku dhintay xoolo badan oo iib ahaan loogu soo waday magaalada Kismaayo.

Inta la xaqiijiyay 10-Ruux ayaa ku dhimatay qaraxaydda maanta ka dhacay Magaaladda Kismaayo.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka jubbaland oo loogu hadlaayo qaraxyadda dhacay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here