Saraakiisha CXD oo Sheegay in ay Dileen Saraakiil Al-shabaab iyo Wariyayaal

0

Ciidamada xoogga dalka ee ku sugnaa Gobolka Baay ayaa  howlgallo lagu baacsanaayo Al-shabaab, waxa ay ka wadaan degmooyin ka tirsan Gobolada Bay.

Saraakiisha Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxa ay sheegeen in howlgalladan oo ka socda deegaanka Toosweyn iyo kuwo kale ay yihiin kuwo  Al-shabaab looga saarayo deegaanada iyo tuulooyinka ay kaga sugan yihiin Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Caydaruus Cabdullaahi Sheekh  oo ah Amaan duulaha Ciidamada gulufka dagaal kula jira Al-shabaab ee deegaanka Tosweyne oo ka tisan Bardaale ayaa xaqiijiyay dagaalka ka dhacay Toosweyne in ay ku dileen in ku dhow 40 Shabaab ah oo Afar ka mid ah ay ahayeen Wariyaal u shaqaynayay Radio Andaluus, ayna bur buriyeen Saldhigyo ay Al-shabaab ku lahaayeen halkaas.

Maamulka degmada Bardaale ayaa sheegay in ay Al-shabaab ka barakiyeen dadka shacabka tuulooyin hoostag Bardaale taasina ay sababtay in ciidamada ay dagaal la galaan maleeshiyadka naf la caariga ah ee Al-shabaab.

Tiradda dadka ay Al-shabaab ka barkacisay ayaa  lagu sheegayn in ay ka badan yihiin 700 oo qoys oo ka mid ah dadka deegaannadaasi dega.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here