Dowladda Ethopia oo Sheegtay in Howlgal Lagu Dilay Fu’aad Shongole iyo Xubno Kale

0

Itoobiya ayaa sheegtay in ay dishay mid ka mid ah saraakiisha aadka loo baadi goobayay ee Al-Shabaab, kadib howlgalo la xiriira duqeyn dhanka cirka ah.

Fu’aad Maxamed Khalaf oo loo yaqaan Fu’aad Shongole waxa uu ahaa madaxa dacaayadda ee al-Shabaab, sida uu sheegay jeneraalka Itoobiya.

Horey, Maraykanku wuxuu madaixiisa dul dhigay  5 milyan oo doolar oo qofkii keena ciddii keenta xog horseeda in la soo qabto lacagtaasi lagu abaal-marinayo.

Janaraal Tesfaye Ayalew ayaa sheegay in la la dilay 3 horjooge oo uu ku jiro madaxii ololaha iyo dacaayadaha Alshabab iyo 3 kale oo ka tirsan ururka Al-shabaab.

Sida lagu baahiyay wakaaladda wararka ee Ethiopian News Agency.

Janaraal Tesfaye ayaa sidoo kale sheegay iny burburiyeen keydadkii hubka ee ay kooxda u diyaarisay inay ku weerarto Itoobiya.

Saddexda hogaamiye ee la dilay ayuu Janaarlka ku sheegay inay kala yihiin:

1.Fu’ad Mahamed Khalif [Shongole] oo u qaabilsanaa abaabulka iyo borobagandhada kooxda Al-shabaab.

2-.Cabdul Casiis Abu Musa oo ahaa afhayenka Al-shabaab.

3- Cubeda Nuur Ciise oo ahaa masuulkii Alshabaab u qaabilsanaa dhinaca xuduudka Itoobiya iyo gobalka Bakool. Waa sida lagu baahiyay Ethiopian News Agency

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here