Laamaha Amaanka oo Howlgalo Ka Dhan ah Al-shabaab Ka Sameeyay Suuqa Bakaaraha

0
Saraakiisha iyo ciidamada amniga ee caasimadda Muqdisho ayaa bilaabay howlgallo looga hortegayo Al-Shabaab, waxaana saacadihii lasoo dhaafay suuqyada Muqdisho oo Bakaaro uu ugu horeeyo ka dhacay kulamo ay saraakishu la yeesheen ganacsatada.
Waxaa kulamadaas diiradda lagu saaray caqabadaha jira iyo dadaallada ay dowladdu ku doonayso in Al-shabaab meel looga soo wada jeesto.
Ganacsatada ayaa la wadaagay saraakiisha amniga in Al-shabaab aysan ku dhiira karin inay suuqyada Muqdisho yimaadaan, balse ay telfoonada ku soo diraan hanjabaado oo kaliya.
Saraakiisha amniga ee dowladda Soomaaliya ayaa ganacsatada ka dalbaday inay lasoo wadaagaan tabaha liita ee Al-shabaab ay ku doonayaan inay ku baadaan ganacsatada iyo shacabka Muqdisho.
Sidoo kale saraakiishu waxay ka balan qaadeen ganacsatada Soomaaliyeed inay ku dadaali doonaan ilaalinta ammaankooda, har iyo habeena ay u taaganyihiin sidii loo ciribtiri lahaa Al-shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here