Raisulwasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa wada qorshe ku aadan in maalmo loogu daro ku dhawaaqista Golaha wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in raisulwasaaraha uu ka codsan doono Xildhibaanadda Baarlamaanka federaalka in 10 maalmood oo dheeraad ah loogu daro muddada uu ku soo magacaabayo Golihiisa Wasiirada.
Kulan u dhaxeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe iyo Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa goordhow soo idlaaday, iyadoo wararku sheegayaan in looga hadlay arrintan 10-ka cisho ee dheeraadka la siiyo Ra’iisul Wasaaraha, si uu usii dhameystiro wadatashiyo horay ugu socday oo ku saabsan dhismaha Golaha Wasiirada.

