Daacish oo Sheegtay Mas’uuliyadda Qarax Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

0

Dagaalyahanadda Kooxda Daacish ayaa sheegtay mas’uuliyadda qarax shalay ka dhacay Magaaladda muqdisho gaar ahaan Degmadda Warta-nabadda ee Gobolka Banaadir.

Qaraxaan ayaa lala eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa ATMIS,waxaana kadib la maqlay rasaas aad u xoogan ay ridayeen ciidamadda la qarxiyay.

War lagu baahiyay baraha lagu faafiyo wararka kooxda Daacish ayaa lagu sheegay iney mas’uul ka yihiin qaraxa oo lala eegtay ciidamadda ATMIS, Ex AMISOM loo aqoonjirey.

Kooxda Daacish ma aysan  bixin xogta khasaaraha ka dhashay weerarka, marka laga reebo iney burburiyeen mid kamid ah gaadiidkii ay wateen ciidanka la beegsaday.

Dagaalyahanadda Daacish ayaa mudooyinkii dambe hoos u dhigay dhaqdhaqaaqyadii ay kawadeen Magaaladda Muqdisho.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here