Wararka ka imaanaya Degmadda Cabud-waaq ee Gobolka Galgaduud ayaa ku waramaya in ciidamadda amaanka Galmudug ay gacanta kusoo dhigeen askari ka tirsanaa ciidanka milatariga oo Caabudwaaq ku dilay Sargaal ka tirsanaa Ciidanka NISA iyo walaashiisa.
Laba maalin ka hor ayaa Degmadda Cabud-waaaq lagu dilay taliye kuxigeenkii ciidanka NISA ee Galmudug Faarax Cumar Geelle iyo Walashiis Xaawo Cumar Geelle,wuxuuna falkaan ahaa mid aad loogu naxay.
Askarigan dilka taliyaha iyo walaashiis uu u geestay ka sokow waxa uu sabab u noqday geerida nin kale oo la dhashay marxuumiinta iyo labo nin oo kale oo ehel u ahaa labada qof oo la dilay kuwaa oo tacsida iyaga oo u soo socda shil gaari ku dhintay.
Ciidamadda Maamul Goboleedydda Puntland iyo Galmudug ayaa iska kaashaday soo qabashadda,ninkaan oo lagu magacaabo axmed Dheere,waxaana laga soo qabtay deegaanka Ceel-gargaar ee duleedka bari ee degmada Caabudwaaq.
Saraakiil iyo masuuliyiin kale oo katirsan maamulka Galmudug ayaa xalay askarigan gacan ku dhiiglaha ah kusoo bandhigay saldhiga degmada Caabudwaaq, waxa ayna ciidamada ninkan kasoo qabteen deegaanka Ceel-gargaar ee duleedka bari ee degmada Caabudwaaq.




