Akhiro:- Al-shabaab oo Sheegtay Mas’uuliyada Qaraxii ka dhex dhacay diyaarada Daallo air Line

0

Xarakada al-shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyada qaraxii dhawaan ka dhex dhacay diyaarada daallo air line xili ay ka duushay garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho  ee caasimada soomaliya.

Bayaan kasoo baxay  xarakada al-shabaab ayaa lagu sheegay in al-shabaab ay ka dambeyeen qaraxii dhawaan ka dhex dhacay diyaarada daallo air line oo kamid ah diyaaradaha ka  dhex shaqeeya Gudaha dalka soomaliya iyo dalalka dariska la ah.

Bayaanka al-shabaab  oo ku qornaa luuqa ingiriiska ayaa lagu sheegay in weerar lala damacsanaa saraakiil ka tirsan ciidamada Nato oo lagu sheegay in ay ahayeen kuwa kasoo horjeeda al-qaacida caalamka ka dagaalanta.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Somaliya, Cali Axmed Jaamac (Jangeli), ayaa horey al-shabaab  ugu eedeeyay inay ka dambeeyeen qaraxaasi.

CbGv8PWW4AAhKcT

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here