Xarakada al-shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyada qaraxii dhawaan ka dhex dhacay diyaarada daallo air line xili ay ka duushay garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho ee caasimada soomaliya.
Bayaan kasoo baxay xarakada al-shabaab ayaa lagu sheegay in al-shabaab ay ka dambeyeen qaraxii dhawaan ka dhex dhacay diyaarada daallo air line oo kamid ah diyaaradaha ka dhex shaqeeya Gudaha dalka soomaliya iyo dalalka dariska la ah.
Bayaanka al-shabaab oo ku qornaa luuqa ingiriiska ayaa lagu sheegay in weerar lala damacsanaa saraakiil ka tirsan ciidamada Nato oo lagu sheegay in ay ahayeen kuwa kasoo horjeeda al-qaacida caalamka ka dagaalanta.
Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Somaliya, Cali Axmed Jaamac (Jangeli), ayaa horey al-shabaab ugu eedeeyay inay ka dambeeyeen qaraxaasi.


