Markab weyn oo sida Shidaal oo kusoo xirtay Dekadda Magaaladda Boosaaso

0

Waxaa xalay dekadda magaalada Boosaaso ee gobolka Bari kusoo xirtay markab weyn oo siday shidaal aad u badan, waxaana la filayaa in shidaalkan is badal ku keeno sicirka shidaalka oo meel sare gaaray deegaanada Puntland.

Markabkan shidaalka waday waxa uu u rarnaa ganacsato kasoo jeeda deegaanada Puntland.

Markabka markii uu soo xirtay waxaa dekedda buux-dhaafay gaadiidka shidaalka qaada, kuwaas oo shidaalka u kala daabulaya gudaha magaalada Boosaaso iyo magaalooyinka kale ee Puntland.

Dekedda magaalada Boosaaso ayaa todobaadyadii la soo dhaafay aad mashquul u ahayd, waxaana ka dhoofayay xoolo loo iibgaynayay dalalka Carabta.

Dekedda Magaaladda Boosaaso oo hal markab wax ka badan uusan ku soo xiran karin, waxaa 2017 heshiis ballaarin lagula galay shirkadda DP World, taas oo illaa hadda aan wax ka qaban.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here