Agaasimaha cusub ee sirdoonka Soomaaliya, Mahad Maxamed Salaad, ayaa dalac-siiyey Cabdullaahi Cabdiraxmaan iyo Cabaas Yacquub oo ku dhowaa maamulkii Fahad Yaasiin.
Cabaas Yacquub ayaa laga dhigay madaxa maamulka iyo maaliyadda ee NISA, halka Cabdulaahi Cabdiraxmaan loo xushay madaxa qeybta wardoonka ee isla hay’adda dhexdeeda.
Sidoo kale Cabdiraxmaan ayaa horey soo noqdey maamulaha machadka cilmi-baarista iyo tababaradda ee NISA, halka Yacquub uu soo qabtey jago kale oo ah taliyaha guud ee ciidamadda gaarka ah ee hay’adda mukhaabaraadka Soomaaliya.
Talaabadan ayaa kusoo beegmaysa xilli Mahad uu dhowaan kasoo laabatay safar uu ku wehliyey madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud kuna tagay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

