Madaxweynaha Puntland oo Amar Dul Dhigay Laamaha Amaanka Puntland

0

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa kulan la qaatay Taliska Ciidanka Booliska Dowladda Puntland .

Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasiirka Amniga Mudane Cabdisamad Gallan, Taliyaha Ciidanka Booliska Mudane Gen. Maxamed Cali Xaashi, Taliye-xigeennada iyo qeybaha kala duwan ee Saraakiisha Ciidanka Booliska.

Madaxweynaha ayaa warbixin Amni iyo shaqada Booliska ee socota ka dhegaystay Taliska Ciidanka Booliska, wuxuu Madaxweynuhu boggaadiyay sida Ciidankeenna geesiyaasha ah ay har iyo habeenba ugu heelan yihiin sugida Amniga, isagoo faray in ay sii dardar geliyaan gudashada waajibaadkooda.

DHAMMAAD

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here