Baarlaaanka Soomaaliya oo Codka Kalsoonida Siiyay Raisulwasaare Xamse

0

Xildhibaanada golaha shacabka Baarlaamanka Jamhuuridda Federaalka Soomaaliyaa oo maanta ku kulmay magaalada Muqdisho ayaa si rasmi ah u ansixyay ra’iisal wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre.

Sida uu ku dhawaaqay guddoomiye Shiikh Aadan Madoobe waxaa si aqlabiyad ah codka Kalsoonida u siiyay Ra’iisul Wasaare Xamse 220 Xildhibaan oo soo xaadiray kulanka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa 15-kii bishan Juun Xamsa Cabdi Barre u magacaabay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here