Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa xaqiijiyay in laga helay xanuunka Coronavirus, isagoo safar ugu maqnaa dalka isu tagga Imaaraadka Carabta.
Natiijada baaritaanka ayaa maanta la shaaciyay marka Madaxweynuhu dalka dib ugu soo laabtay Magaaladda Muqdisho.
“Waxaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee sharafta leh la wadaaggayaa in baaritaanno la igu sameeyay maanta lagu xaqiijiyay in la iga helay COVID-19,Intaas waxaa dheer, inaan caafimaad qabo oo aan sii wadi doono shaqada aan u hayo qaranka iyo umadda Soomaaliyeed aniga oo raacaya habraacyada caafimaad ee la xariira Covid-19.”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.

