Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay markii ugu horeysay xariga Shiikh Muqtaar Roobow Abuu mansuur oo ka tirsanaan jirey Al-shabaab,balse markii dambe isku soo dhiibay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Abuu Mansuur oo musharax Madaxweynaha Koonfur Galbeed ahaa waxaa magaalada Baydhabo kasoo xirtay dowladdii madaxweyne Farmaajo, mana jirto intii uu xirnaa wax maxkamad ah oo lasoo taagay.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo wax laga weediiyay xariga Abuu Mansuur ayuu sheegay in ninkaasi si sharci daro ah kusoo xirtay dowladdii Madaxweyne Farmaajo.
Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in Abuu Mansuur uu ahaa nin lahaa hami siyaasadeed si uu u hoggaamiyo Koonfur Galbeed, balse si sharci darro ah loo soo xiray uuna iska xiran yahay ilaa hadda..

